Wariye Cali Seenyo oo Laga Hor Joogsaday Inuu dalka Soo galo

Lowyacado – (warsoor) – Wariyaha caanka ah ee Cali Seenyo ayaa loo diiday inuu dalka soo galo, amar ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Cali Seenyo ayaa sheegay inuu doonaayey in masaajidka Qiblatayn ee magaaladda Saylac uu ka soo sameeyo barnaamij uu doonaayey in masaajidkaas lacago dib u dhis loogu sameeyo inuu bulshadda ka codsado.

Wariye Cali Seenyo ayaa sheegay inuu warqadda ogolaansho ah ka helay safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, sidoo kalena baasabooradooda loogu dhuftay fiisaha dal ku galka, lacagihii cashuuraha ee ku waajibay.

Cali Seenyo ayaa eedayn u jeediyey Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, balse dhinaca xukuumadda ayaanay ka soo bixin wax war ah oo ku saabsan sababta Cali seenyo loogu diiday inuu dalka soo galo.

Halkan ka daawo warkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.