Warbixinta Coronavirus ee Somaliland ee Maalinlaha ah

Hargeysa – (warsoor) – Warbixin laga helay Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay tiradda guud ahaan la soo xidhiidhay telefoonka gargaarka degdega ee Covid19 iyo guud ahaan xaaladda dalka ee xanuunkan.

Warbixinta ayaa sheegtay in telefoonka gargaarka degdega ah ay soo garaaceen 549,364 qof. Sidoo kale waxaa 24 Saacadood ee u dambeeyey soo garaacay 13,557.

Dadka baadhitaana lagu sameeyey xanuunka ayaa tiradooda ay warbixintu ku sheegtay 406 qof, halka dadka xanuunka laga helay guud ahaan ay dhan yihiin 43 qof. Dadka u geeriyooday xanuunka ee la xaqiijiyey ayaa lagu sheegay 5 qof, halka ay 24 saacadood ee u dambeeyey ay u dhinteen 3 qof. Xanuunka waxaa ilaa hadda ka caafimaaday 5 qof.

24 saacadood ee al soo dhaafay waxaa baadhitaano gudaha ah lagu sameeyey 2,327. Waxaa karantiino lagu sameeyey 64 qof.

Dadka sida mutadawacnimada ah iska diwaan-galiyey goobaha caafimaadka ayaa warbixinta lagu sheegay in tiradoodu dhan tahay 792 qof.