Wararkii ugu dambeeyay ee Gaza, wadahadallada Xamaas iyo Israa’iil

Qasa -(warsoor) – Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii oggolaaday in masuuliyiinta uu u xilsaaray wadahadalada lala gelayo Xamaas, inay dib ugu noqdaan wadaxaajoodyada socda, arrintan oo ku soo beegmaysa, maalin uun ka dib markii ay maxkamadda cadaaladda ee dunidu ay ku amartay Israa’iil inay si degdeg u fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee loo wado Falastiiniyiinta ku gaajaysan marinka Qaza.