Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Suudaan

KHARTOUM – (WARSOOR) – Dagaalka ka socda Sudan ee u dhexeeya janaraallada ciidamada ee talada dalkaasi hayay tan iyo afgenbigii ay sameeyeen 2021-kii ayaa Axadda maanta ah galay maalintiisii labaad, waxaana ku dhintay ugu yaraan 56 qof, iyadoo boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha dhinacyada bari iyo koonfureed ee caasimadda Khartoum, iyadoo taangiyada iyo diyaaradaha dagaalku ay qeyb ka yihiin dagaalkaa sida ay goobjoogeyaashu sheegayaan.

Rabshadaha ayaa qarxay saacadihii hore ee Sabtidii kadib toddobaadyo uu muran qotodheer u dhexeeyey hoggaamiyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo ku x-geenkiisa, Mohamed Hamdan Daglo oo ah taliyaha kooxda sida weyn u hubeysan ee (RSF), waxaana labada hoggaamiye uu midba kan kale ku eedeynayaa in uu isagu dagaalka bilaabay.

Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay maamulka xarumo muhiim ah iyadoo TV-ga dowladdu uu baahinayo heeso wadani ah oo aysan wax barnaamij ah laga sii deyneynin.

Ciidamada RSF ee hoostaga Daglo ayaa sheegtay in ay qabsadeen xarunta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo goobo kale oo istaraatiiji ah, laakin ciidamada ayaa ku adkeystay in ay iyagu ka taliyaan, iyadoo ciidamada cirka ay sabtidii dadka ku boorriyeen in ay guryahooda joogaan maadaama ay duqeynayaan fariisimada kooxda RSF.