Wararkii U Dambeeyey ee Xanuunka Coronavirus

Caalamka – (warsoor) – Caabuqa Coronavirus ayaa dunida si xawliya ugu sii fidiya waxaana hadda korodhka xanuunkan hogaaminaayey dalka Maraykanka.

Guud ahaan caalamka caabuqa coronavirus wuxuu ku dhacay 860,004 qof, waxaa u dhintay 42,377 qof. Waxaa ka caafimaadey 181, 116 qof, Waxaan ku fiday dalal gaadha 206 dal oo dunida oo dhan.

Dalalka uu xanuunkani aafeeyey waxaa saddexda kaalmood ee u horeeyey ku kala jira dalalkan:

  1. Maraykanka – wuxuu ku dhacay 189,785, waxaa u dhintay 4,085
  2. Talyaaniga – wuxuu ku dhacay 106,128, wuxuu ku dhacay 12,443
  3. Isbayn – wuxuu ku dhacay 95,923, wuxuu ku dhacay 8,464
  4. Shiinaha – wuxuu ku dhacay 81,540, wuxuu ku dhacay 3,306

Tiraddan ayaan ahayn mid istaageysaa, waxaana daqiiqad kasta ku kordhaya tirooyin aad u kordhaya.

La soco wixii soo kordha si maalinle ah.