War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Puntland iyo Jubbaland & Deni iyo Axmed Madoobe oo Ku Wajahan Muqdisho

Garoowe – (warsoor) – War-saxaafadeed kasoo baxay shirkii magaalada Garoowe uga socday maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxda labada maamul ay qeyb ka ahaanayaan shir wadatashi oo Muqdisho ka dhacaya loogana hadlayo sidii xal siyaasadeed looga gaadhi lahaa doorashooyinka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntand iyo Jubbaland ay shirar khadka taleefoonka kula yeesheen madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, taasoo oo ka dhalatay in shir dambe la iskugu yimaado Muqdisho, inkastoo aanan wakhtiga shirka la sheegin.