Wakaaladda Qurbe Joogta SWakaaladda Qurba-Joogta Somaliland oo Ugu Baaqday Qurba-joogta Inay Si Weyn Uga Diyaar-garoobaan xuska 18 Mayomaliland oo Ugu Baaqday Qurbe-joogta Inay Si Weyn Uga Diyaar-garoobaan xuska 18 May

Hargeysa – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo bxay wakaladda Qurbe-joogta Somaliland ee magaaladda Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha wakaaladda Cabdi Cabdilaahi Xirsi ayaa loogu baaqay Qurbe-joogta Somaliland inay si weyn uga diyaar-garoobaan xuska maalinta qaranimadda Somaliland 18 May.

War-saxaafadeedka_Arimaha_dibadda

War-saxaafadeedkan ka soo baxay wakaaladda Qurbe-joogta Somaliland waxa si wadda jir ah shir jaraa’id u qabtay Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo gudoomiyaha wakaaladda Qurbe-joogta Somaliland oo ayaa u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED: Baaqa Wakaaladda Qurbajooggu u jeedinayso Jaalliyadaha Somaliland u  Diyaar-garawga  Xuska 25-Guurada, 18 May 2016

“Somaliland Guulo Qaran & Qaayo Lagu Gaadhay Rubuc Qarniga

Jamhuuriyadda Somaliland waxay oogaysaa xuska 25-Guurada ka soo wareegtay markii shacbiga Somaliland dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda 18 May 1991. Rubuc qarniga aan u dabbaal degayno 18 May 2016 waa mid ka turjumaysa sida loogu guulaystay  go’aankii aaya-ka-tashiga umadda Somaliland ee dib u hanashada qaranimadooda, isla markaana tilmaamaysa isku kalsoonaanta, kartida iyo awoodda aan u leenahay inaan ka midho dhalinno inta hadhsan himiladeenna inaan gaadhno.

Wakaaladda Qurbajoogga JSL waxay fursadan uga faaiidaysanaysaa inay ugu baaqdo dhammaan jaalliyadaha iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee daafaha dunida inay u diyaargaroobaan xuska 18 May 2016, oo aad xaqiijisaan qabashada xuskan si ka weyn kuwii hore tayo ahaan, ka badan tiro ahaan, kana tilmaaman tabaabulshe ahaan. Walaalayaal, waxan aan idiinku baaqayaa inaad si mug iyo cudud leh, dareen iyo shucuur wadaninimo leh ugu soo baxdaan 18 May,  usoo bandhigtaan, una muujisaan indhaha caalamka xaqiiqada dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo cod dheer ku gudbisaan farriinteenna.

Waxa barbar socda diyaargarawga 18 May  ee sannadkan oo qayb ka ah, saxeexa doonista aqoonsiga  Somaliland (Somaliland petition for recognition) oo gudo iyo dibadba laga doonayo dadweynaha Somaliland inay ayidaan. Hadaba xagga dibadda, idinkoo  ka faaiidaysanaya isgaadhsiinta internet-ka ee innoo sahlaysa, waxa aannu ugu baaqayna, kuna dardaaraynaa dhammaan Qurbajoogga Somaliland meelkasta oo ay ka joogaan dunida inaad si weyn uga qaybqaadataan taasoo aad ka heli kartaan mareegaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wakaaladda Qurbajooggaba http://www.slforeign.com/online-petition.html / http://sldiasporaagency.org/online-petition-4/

 

Cabdi Cabdillaahi Xirsi

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.