Allay-Baday – (warsoor) – Waftigii Ololaha Kaanbaynka ee uu Hogaaminayo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa maanta gaadhay Gobolka Awdal xaruntiisa Magaalada Boorama, waxaana uu banana baxyada ololaha Xisbiga Kulmiye kala galay oo galay Maalintii Saddexaad ka mid ahaa wafti uu horkacaayey Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno kamida Golaha Wasiirada Xukuumada.
Ka Dib markii uu soo dhamaaday Banaan baxa muujinta Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Cududooda, ayaa waxaa uu Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo waftigii uu hogaaminayey u kicitimeen dhanka Gobolka Gabiley iyagoo gaadhay islamarkaana lagu soo dhaweeyey Deegaanada , Geed Balaadh iyo Allay Baday, waxaana uu Xildhibaanku taageerayaasha deeganadaasi kala qeyb galay munaasibado kala duwan oo ay ugu talo galeen muujinta taageeradadooda ay u hayaan Xisbigaasi.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo dhammaan munaasibadahaasi ka hadlay ayaa shacabka ku booriyey ugana mahad naqay sida ay usoo dhaweeyen sidoo kalena ay ugu heelan yihiin Xisbigooda, waxaa uu kula dar daarmay inay ilaaliyaan midnimada iyo wadajir Somaliland isalmarkaan ay dhawraan hanaanka Dimuqraadiyada, Waftiga Xildhibaan ayaa waxaaa qeyb ka ahaa Ciyaaraha Baam-Bodayda kuwaasi oo dhammaan deeganadii uu maray waftigu si weyn loogu riyaaqay inuu wakhtigan Xildhibaan Obama kusoo kordhiyey saaxada Ololaha Doorashada Somaliland wax ku cusub oo ah Baam-boy.
Mudane Maxamed Cali Xirsi ayaa sidoo khud bad ka jeediyey Munaasibad balaadhan oo lagu sameeyey Deegaanka Allay-Baday, halkaasi oo uu kaga hadlay isbedelka loo baahan yahay, waxaana uu xusay inuu Muuse Biixi Cabdi Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye uu yahay maanta ka ku haboon hogaaminta Dalka, loona baayahan yahay in sid midaysan loo doorto, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in danta dalka iyo dadkuba ay ku jirto hogaaminta Muuse Biixi Cabdi isagoo shacabka ku adkeeyey inay 13-ka November codka siiyaan murashaxooda.
Halkan ka daawo warkan:
This post is also available in:
Somali