Wafdi ka Socda Kenya oo Jooga Muqdishu

Muqdisho – (warsoor) – Wafdi ka socda dawladda Kenya ayaa maanta yimid magaalada Muqdishu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu u diray magaalada Muqdishu iyagoo amar ku haysta inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdigan Kenya ayaa ka kooban shan xubnood, waxaana ay maanta la kulmeen Madaxweyne Farmaajo oo ay soo gaadhsiiyeen farriin ay ka sideen Madaxweynaha Kenya iyagoo ka wada hadlay sidoo kale caadiyeynta xiriirka labada waddan.

Booqashada wafdigan ee Muqdishu ayaa imanaysa iyadoo xiisad kacsan ay ka jirto xuduudda Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ka dhalaty iska horimaad dhexmaray ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ciidan uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo saraakiisha Waqooyi Bari Kenya sheegeen inuu ku sugan yahay Gobolka Mandera.

Xigasho: VOA Somali