Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo La Xidhay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa xidhay qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Waddooyinka u dhow Xaruunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, iyaga oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha & midka gaarka loo leeyahay.

Waxaana la soo dhoobay Xaruunta Baarlamaanka Ciidamofaro badan oo Isugu jira AMISOM Iyo kuwa Dawladda Federaalka Somaaliya.Xidhitaanka Waddooyinka ayaa ka Dambaysay Fadhi ay mar dhow ku yeelanayaan Xaruunta Villa Hargeysa Xildhibaannadda Aqalka Shacabka. Fadhigan oo la filayo in Muddo kordhin Loogu Sameeyo Ha’yaddaha kala duwan ee Federaaliga oo hadda Wakhtigooddii dhamaaday.

Muddo kordhintan, ayaa ka Dambaysay kadib, Markii lagu heshiin Waayey jawi is afgarasho oo Doorashooyinka lagu galo.Xidhnaanshaha Waddooyinka Muqdisho oo ay Shacabka Reer Muqdisho ku waabiriisteen, ayaa ku kaliftay inay lugahoodda maalaan oo ay ku tagtaan goobahoodda Shaqadda.

Khaddar Ali Khum