Wacdaraha Messi ee Mareykanka oo sii socda

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkisii shanaad seddex kulan oo uu u saftay kooxdiisa cusub ee Inter Miami kadib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Orlando City wareeg horaadka koobka Leagues Cup Arbacadii, isaga oo dhaliyay laba gool.

Ciyaartan oo billaabatay 95-daqiiqo kadib xilligii la qaorsheeyay sababo la xiriira roobab watay dabeylo xoog leh ayay, Messi aysan ku qaadan waqti badan inuu dhaliyo goolka furitaanka, isaga oo daqiiqaddii 7-aad shaba soo taabtay.

Messi rikoorkiisa guulaha ee kooxda Miami ilaa hadda waa 100%.

Taageereyaasha Miami ayaa aaminsan in imaatinka Messi ay aheyd fursad weyn oo wax badan ka bedeli doonta kubbad cagta Mareykanka.