Wabiga Shabeelle oo Fatahaad hor leh ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe

Muqdisho – (WARSOOR) -Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle,waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle.

Fatahaadda ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan.

Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay Beer tacbatada ku nool  Hareeraha Wabiga Shabeelle,wuxuuna hoosta ka xariiqay  in 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi  biyaha ay dhex ceegaagaan, kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan.

Xigasho: Sonna