Tobankii Dollar ee iigu Qiimaha Badnaa ee aan Bixiyo!

Sida caadiga ah waxaa reeban in sadaqada aad bixiso aad sheeg-sheegto, hase ahaatee maadaama arrintani ay ahayd mid aan waligay hore ii soo marin, waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago si aad u dareentaan shilimaad yar oo aad bixisaa sida ay u badali karto nolosha muwaadin dhibaataysan.

Waxay ahayd saacad aad u kulul oo ilaa Kowdii duhurnimo ku dhow, waxaana aan saarnaa Gaadhi uu waday Mudane Cabdifataax Ibraahim Sheekh oo ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Qaranka, hadaba iyada oo aan hor marayno Saldhiga Dhexe ee Boliska Magaalada Hargeisa, gaar ahaan Goolada Dhismaha weyn ee Daarta Dahabshiil ayaa mar qudha waxa ay indhahaygu ay qabteen Nin Konton Jir ku dhow oo Mudh iyo gacan ah oo qaawan, waxa uu ahaa sidii uu ku dhashay, waxaana uu isaga oo kabo aan xidhnayn oo qaawan uu dhinac lugaynayay wadada dhinaceeda iyada oo cadceeduna aad u kululayd.

Cabdifataax ayaan ka codsaday inuu gaadhiga ii joojiyo si aan Saldhiga Boliska u tago oo aan uga codsado inay ninkan qabtaan oo ay Dhakhtarka geeyaan, waxaanan markiiba orod ku galay saldhigii iyada oo aan ka codsaday inay ila soo qabtaan ninkan si aan dhakhtarka u geyno. waxoogay muran ah oo na dhex maray ka dib iyo waliba aniga oo isu sheegay inaan ahay Masuul dawladeed waxaa isoo raacay laba Askari, degdeg ayaanu ugu soo dhaqaaqnay halkii uu ninkii Qaawanaa lugaynayay.

Nasiib wanaag Kaboole aanu ag maraynay ayaa laba kabood uga iibiyay, Miis dhar duug ah iibinayayna waxaan uga iibiyay Shaadh, Nigis iyo surwaal kuwaas oo uu markiiba xidhay, waxaan dareemay inay gaajo ba’ani hayso waxaanan u kaxaynay Hudheel Khayriyada ku dhow, halkaas oo uu Bariis iyo Hilib ka dhargay, si aad ah ayuu cuntada u cunayay waxaana ka muuqatay inaanuu muddo dheer waxba cunin.

Sharaab iyo khudaar ayuu hadana cunay, waxaana uu markiiba nagu yidhi Gurigaygii ayaan tagayaa ee isii lacag aan sigaar siisto, waxa aan ka codsaday inuu Dhakhtarka noo raaco, laakiin waxa uu yidhi gurigaygii ayaan garanayaa oo aan tagayaa!

Lacag ku dhow Labaatan kun oo shilin ayaan u dhiibay, markaas ayuu isaga oo dhergay oo kabo iyo dhar xidhan naga dhaqaaqay, waxoogay ayaan daba socday isaga oo aan i arkayn, waxa uu ku Leexday nin Xabxab ama Qare kolba sida loo yaqaan wadada ku iibinayay, waxa uu ka iibsaday xabxab badan oo uu halkii ku cunay.

Ninkaasi isaga oo xarragoonaya oo dhargay oo aan dadka laga garan ayuu iska dhex qaaday suuqa isaga oo gurigiisa ku socda.

Labaatan daqiiqo ka hor waxa uu ahaa nin qaawan, gaajaysan oo kabo la’aan cadceeda dhex lugaynayay.

Lacagta ninkaas ku baxday ee Noloshiisa bedashay kamay badnayn Toban Doolar.

Qof kasta oo inaga mid ahi miyaanuu awoodi karin inuu ka farxiyo walaal dhibaataysan oo xanuunsanaya oo suuqa dhex silcaya.

Waxaan ka codsanayaa muwaadin kasta oo damiir lihi inuu eego hareerihiisa oo uu wixii uu tari karo uu taro dadka waalan ee suuqyada Hargeysa ku dhex rafaadsan

Waad Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed