Tiradda Dadka Xanuunka Covid19 Laga Helay 24 Saacadood ee u dambeeyey

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo  Warbaahinta siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay uu Hal qof xanuunka ugu Geeriyooday Somalilnd, halka dad cusubna laga helay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay Baadhitaano loo sameeyay dad gaadhaya 78 Qof, 28  dadka ka mid ahna laga helay Xanuunka.

Halka Qof e Geeriyooday ayaa tirada Dadka u dhintay Xanuunka Covid_19 ka dhigaysa 23 Qof, halka 28-ka Qof ee laga helay xanuunkuna ay tirada guud ee Xanuunkaa qabta ee Somaliland joogta ka dhigaysa 332 Qof.