Tiradda Cusub ee Maanta Laga Helay Covid19 Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 59 Sadex iyo toban qof (13) ayaa laga helay xanuunka, 13 kuba waa Somalilander. Bukaanadan 11 qof waa rag, 2 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 3qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 9 qof iyo Berbera oo ah 4 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Kow iyo Sideetan (81)