Telesom Group Foundation oo $150,000 ugu deeqday khasaaraha dabka suuqa magaalo-ganacsiyeedka Tog-Wajaale

WAJAALE – (WARSOOR) – Telesom Group Foundation oo ka wakiil ah shirkadaha Telesom Group ayaa $150,000 (boqol iyo konton kun oo dollar) ugu deeqday khasaaraha dabka suuqa magaalo-ganacsiyeedka Tog-Wajaale 16-09-2023 oo ka mid ah suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa weyn guud ahaan dalka iyo geeska Afrikaba.

Maaha markii koowaad ee ay Telesom Group ka qaybgasho musiibooyinka dalka iyo ganacsatada Soomaaliyeedba ku habsatay, dhawaan ayuun bay ahayd markii aannu gacan weyn ka gaysanay musiibooyinkii Suuqa Waaheen Hargeysa iyo khasaaraha dabka suuqii Taywaan ee Jigjiga, waana waajib na saaran, waananu sii wadi doonaa taakulaynta iyo taageerada bulshada.