Telesom Ayaa Qaadatay Shahaado Qaaliya Oo Aan Hortood La Qaadan+xukumadoo Hambalyaysay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha BOD-ka Telesom Group, Md. Cabdikarim Maxamed Iid, oo si rasmi ah u shaaciyay in Telesom ku guulaysatay qaadashada shahaadada caalamiga ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka “Information Security Management System” iyadoo ay Telesom noqonayso shirkaddii ugu horeysay ee guud ahaan Somaliland ka jirta, gaar ahaan dhanka Isgaadhsiinta, maaliyadda iyo tiknoolajiyadda Somaliland ee ku guulaystay in ay hesho shahaadadan.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi ayaa ku hambalyeeyay in Telesom noqotay ISO 27001 Certified . Wasiirku waxa kale oo uu Telesom ku boogaadiyay kaalinta tiknoolajiyadeed ee ay dalka kaga jiraan.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: