Taliye ka tirsanaa Ciidanka Puntland oo lagu dilay howl-gal ka socday Gaalkacyo

Gaalkacyo – (warsoor) -Taliyihii Ciidamada ilaalada madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland G/Sare; Cismaan Cumar Maxamed ayaa lagu dilay is-rasaasayn Maanta ka dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dilka taliyaha ayaa yimid markii ay Ciidanka madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ay how-gal ka sameeyeen goob lagu iibiyo maandooriyaasha, iyagoo iska caabbin kala kulmay malleeshiyo halkaasi ilaalo ka haysay.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababay dhimashada Toddoba Qof oo isugu jira dhinacyadii ay diritu dhex martay iyo Dad Rayid ah oo goobta ka dhowaa, waxaana haatan deggen xaaladda halkii uu iska hor imaadku ka dhacay.