Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Ilaalada Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ku Eedeeyay In Ay Toogteen Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska

Hargeysa – (warsoor) – Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Ayaa Ilaalada Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ku Eedeeyay In Ay Toogteen Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in ciidamada Boolisku aanay wax rasaasa bilaabin balse ay rasaasta bilaabeen ilaaladda guddoomiyaha xisbiga WADDANI, rasaastaasi oo uu ku dhaawacmay Taliyihii guutada.

Taliyaha Saqadhi ayaa sheegay in askarigaa ilaaladda u ah guddoomiyaha uu ka tirsan yahay ciidamada Booliska. Askarigaasi oo uu sheegay in la waafajin doono talaabadda Sharciga Waafaqsan.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE TALIYAHA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.