Taliska Qaybta Booliska Ee Gobolka Sool Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Noocyo Ka Mida Hubka Fudud

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha gobolka Sool uga soo warama wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA Liibaan Qaran, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdilaahi Cabdi ayaa sheegay in ciidamada booliska ee gobolka Sool ay gacanta ku soo dhigeen nooco kala duwan oo hubka fudud ah oo ay ka mid yihiin baastoolado iyo midiyo, kuwaas oo dhibaato ku ah ammaanka magaalada Laascaanood, waxaanuu intaas ku daray in ciidamadu ay mudooyinkii u dambeeyay ay magaalada Laascaanood ay baadhitaanadaas ka wadeen.

Gaashaanle Sare Axmed Cabdilaahi wuxuu intaas ku daray inay waxyaabaha kale ee ay gacanta ku soo dhigeen ay ka mid ahaayeen sameecadaha lagu xidho gaadiidka loo yaqaan Bajaajta, kuwaas oo ay dhibsadeen dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood.

Ugu dambayn taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdilaahi wuxuu sheegay in hawl-galadaas ay ciidanka boolisku ka wadaan magaalada Laascaanood ay sii socon doonaan, iyadoo bar tilmaameed kooduna yahay in lagula dagaalamo waxkasta oo dhibaato ku ah ammaanka bulshada ku nool magaalada Laascanood iyo guud ahaan gobolka Sool.