Taliska AFRICOM oo walaac ka muujiyay awoodda Ruushka ee Afrika

WASHINGTON – (WARSOOR) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa toddobaadkii hore uga digay Congress-ka Maraykanka in Ruushka uu si ba’an u ballaarinayo awoodda uu ku leeyahay Qaaradda Afrika.

Taliyaha ayaa sheegay in dalal badan oo Afrikaan ah ay qarka u saaranyihiin in ay si buuxda gacanta ugu galaan Ruushka.