Taiwan oo Shaacisay inay Xafiis ka Furanayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiir Faratoon oo ka Hadlay

TAIANWAN – (WARSOOR) – Dawladda Taiwan ayaa shaacisay inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso Jamhuuriyadda Somaliland. Si ay kor ugu qaadaan cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ay ku daabacday barteeda Twitterka kaasi ooay ku sheegtay in labada Waddan ee Somalilan iyo Taiwan ay is weydaarsan doonaan laba xafiis.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay inuu horaantii Sannadkan la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan zmrs. Joseph Wu oo ay ka wada hadleen sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen masaalixda ay wadaagaan.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in JSL iyo Taiwan ay ka wada shaqeyn doonaan xidhiidhkooda dhinaca Ganacsiga, Siyaasadda iyo Arrimaha Dhaqaalaha.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa wadaaga taariikh siyaasadeed, waxana labada dalba ku guulaysteen inay horusocod ka sameeyaan dhinacyada dawlad wanaagga iyo Dimuqraadiyadda.