Tababar Loo Qabtay Mudanayaasha Golayaasha Degaanka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoysku oo kaashanaysa Barnaamijka Maamul daadajinta Dawladaha Hoose (JPLG) waxa ay maanta oo ay tariikhdu tahay 13 November 2022 soo agaasintay tabobar baaladhan oo socon doona mudo 4 cisho ah. Tabobarkaas waxa ka faiidaysan doona mudanayaasha golayaasha degaanka ee la doortay oo ka kala yimid 17 degmo oo dalka ah.

Ujeedada guud ee tabobarkani waa in Mudanayaasha Golayaasha Degaanka lagu tabobaro hogaaminta togan si ay isbdal dhab ah uga sameyeen adeeg bixinta dawladdaha hoose iyo sidoo kale barnaamiyadda horumarineed ee dawladda hoose iyagoo dhug u yeelan doona baahiyaha iyo duruufaha haweenku ay qabaan.

Taborbarkani waxa uu xildhibaanada Golayaasha Degaanka ka saacidi doonaa in ay fahmaan baahiyaha gaarka ah ee ay haweenku leeyihiin si loo bixiyo adeegyo iyo barnaamijyo la jaanqadaya baahida haweenka iyo hablaha ee dhinacayadda waxbarashada, cafimaadka, arrimaha bulshada, fayo-dhawrka iyo shaqadda.

Tababorakan waxa sidoo kale looga gol leeyahay in mudanayaasha golayaasha degaanku ay si dhab ah u metelaan haweenka madaama oo ay yar yihiin haweenka ku jirra Golayaasha Degaanka Dalka sidoo kalena dhiirigaliyaan ka qaybgalka Haweenka ee siyaasadda iyo talada dalka.

Waxa si rasmiya u furay tabobarkan madax ka kala socotay wasaaraddaha Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Warfaafinta Dhaqan iyo Wacyigalinta, iyo Arrimaha Gudaha.