Sweden oo ugu dambeyn ku biirtay Isbaheysiga NATO

STOCKHOLM – (WARSOOR) – Dalka Sweden ayaa si rasmi ah ugu biiray isbahaysiga NATO ka dib markii ay ansixiyeen baarlamanka dalka Hungary, oo ahaa dalkii ugu dambeeyey ee ka tirsan isbahaysiga NATO ee ogolaaday in Sweden ay ku biirto isbaysiga.

Waxaa sidoo kale dhowaan ku biirista Sweden ee NATO ansixiyey dalka Turkiga oo ahaa mid ka mid ah dalalkii ay arrintan u xayirneyd.