Suldaanka Guud Ee Gadabuursi oo Sheegay inay qabsan doonaan shir ay kaga arinsanayaa arinta Saamiga Golaha Wakiilada Somaliland

Boorama – (warsoor) – Suldaanka Guud ee beelaha Gadabuursi oo ay weheliyaaan qaar ka mid ah madax-dhaqameedka beeshaasi ayaa shir jaraa’id ay qabteen sheegay inay qaban doonaa shir wadda tashi oo beesha dhexdeeda ah.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo Suldaan aaa muddo 56 sanno ayaa sheegay in Beesha Gadarbuursi ay isugu iman doonaan shir ay kaga arinsanayaa arinta saami qaybsiga golaha wakiiladda Somaliland.

Suldaan Saleebaan ayaa sheegay in beeshu wixii ay xukuumadda ku lahayd ay ka doonato, ama inta yar ee ay ugu haysato xukuumadda uga timaado. Sudlaanka ayaa yidhi, “Waxaa wax aan ahayn oo aan hayaa ma jirto”.

Suldaanka ayaa ku baaqay in shir la iskugu yimaado huteelka Rays ee magaaladda Boorama marka ay salaadiinta beesha ee ku maqan Xajku ay soo noqdoon. Balse Suldaanku muu qaban wakhti rasmi ah oo kulankaasi dhici doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.