Sucuudiga oo sii xoojinaya iskaashiga Shiinaha, iskana indho tiray, walaaca reer Galbeedka

RIYADH, SAUDI ARABIA -(WARSOOR) – Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu Shiinaha la yeesho wada-shaqayn fiican, oo aan ku salaysnayn tartan labada dhinac dhexmara, sida uu sheegay wasiirka tamarta ee dalka Sucuudiga oo Axaddii la hadlay warbaahinta, isaga oo intaas ku daray inaanu wax weyn ka soo qaadaynin, tuhunada sii kordhaya ee ay wadamada reer galbeedku ka muujinayaan xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal.

Sucuudiga ayaa ah, dalka ugu weyn ee saliidda debedda u dhoofiya, halka dalka Shiinuhuna uu yahay, dalka ugu ballaadhan ee isticmaala shidaalka, waxaana xidhiidhka labada dhinac saldhig u ah, isdhaafsiga shidaalka iyo tamarta. Sidoo kale waxaan meesha laga saari karin oo ku dhex jira iskaashigooda, arrimo taabanaya, sii xoojinta arrimaha ammaanka iyo farsamada casriga ah, inkasta oo Maraykanku uu arrimahan walaac xooggan ka qabo.

Wasiirka tamarta ee dalka Sucuudiga oo la weydiiyey, dhaleecaynta loosoo jeedinayo, iskaashiga labada dal, intii uu socday, shirka ganacsiga ee wadamada Carabta iyo Shiinuhu, ayuu sheegay “inaanu wax weyn ka soo qaadayn arrintaas, sababtoo ah ayuu yidhi, ka ganacsato ahaan … waxaad aadaysaa, meesha ay fursaddu taallo”

Ganacsatada Shiinaha iyo maalgashadayaal kale ayaa ku qulqulaya caasimadda Riyadh, si ay uga qayb galaan shirka u dhexeeya ganacsatada carabta iyo Shiinaha, kaasoo ku soo aaday, maalmo yar uu ka dib markii dalkaas booqday wasiirka arrimaha debedda ee Maraykanku.