SONYO Iyo Garabyadda Dhallinyaradda Xisbiyadda Qaranka Oo Si Wadajir Usoo Saaray Baaq Ku Waajahan Ololaha Iyo Doorashooyinka

Hargeysa, (warsoor) — Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO oo hore kulamo goos-goos ah la yeelatay Garabyadda Dhalinyaradda Xisbiyadda Qaranka ee UCID, KULMIYE iyo WADANI ka hor intii aanu bilaabmin ololaha doorashaddu ayaa maalintii shalay ahayd mar kale kulan sadex geesood ah iskugu yeedhay hogaamiyaasha saddexda garab dhalinyaro ee xisbiyadda qaranka. Kulan oo ka qabsoomay xarunta guud ee dalladda dhalinyaradda heer qaran ee SONYO waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii si wadajir ah ay baaq nabadeed ugu diri lahaayeen wakhtigan ololaha xasaasiga ah lagu jiro dhalinyaradda, siyaasiyiinta ku hirdamaya doorashadda iyo guud ahaanba bulshoweynta reer soomaliland.

Kulankan saxaafadduna dibadda ka joogtay in muddo ah waxa ugu horeyn ka hadlay agaasimaha fulinta Cumar Cismaan Miigane oo uga mahad celiyay Garabyadda Dhalinyaradda Xisbiyadda wakhtigooda, garashadooda iyo qaangaadhnmadooda intaba. Sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga sheekeyay tariikhda doorasho iyo dimuquraadiyadeed ee qaran. Isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Soomaaliland kaltirsiga doorasho iyo dimuquraadiyadeed ma aha mid fog balse nasiib wanaag waxa lagu tiriyaa ama lagu dhereriyaa in ay kaalin hore kaga jirto qaaradda afrika” agaasimuhu isago hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Soomaaliland waxa ka qabasoomay shan doorasho (laba doorasho madaxweyne, laba doorasho gole deegaan iyo hal doorasho gole baarlamaan) kuwaas oo dhamaantood u dhacay si nabad iyo xasilooni ah manta iyo mar kalena doorasho ayaa inagu soo fool leh dunnidda caalamkuna inaga dhursugayaan”.

Ka dibna waxa madasha ka hadlay Xoghaya Dhalinyaradda ee xisbiga UCID Mubaarik Axmed Maxamed kaas oo ugu horeyn uga mahad celiyay SONYO kulankan ay iskugu yeedhay. Xoghayaha oo ka hadayana wxuu yidhi “kulankan waxa uu yimid xili loo baahna waayo waxa lagu jiraa xili xasaasi ah. waxa dhici karta in siyaasiyiinta ku tartamaya kursiga ugu sareeya ee dalka uu khaladaad ka dhici karo waayo waa ibnu  aadam markaa waa in aanay bulshaddu ku milmin kuna kala qaysamin” Isagoo hadalka sii watana waxa uu yidhi “wax kasta oo yimaad waa in ay bulshadda kala waynaataa qaranimadda, walaatinimadda iyo wadajirku” Ugu dambayn waxa uu baaq dheer u diray in dhalinyaraddu gaar ahaan kuwa axsaabta ku matalaa ay walaalo yihiin laakiin ay ku kala duwan yihiin oo kaliya fikirka iyo qofkii soomaaliland horumar iyo hiigsi wanaagsan gaadhsiin lahaa bulshaddana looga baahan yahay in ay aragtidaas uun ku kala duwanaadaan laakiin walaaltinimadooda ilaashadaan. “UCID ahaan waxaanu balan qaadaynaa in wax kasta oo amaanka, wanaaga iyo wadajirka bulshadda ka hor imanaya si wadajir uga hor tagno oo aan gacan bir ah ku qabano ciidanka iyo laamaaha amaankana lala shaqeeyo”

Gudoomiyaha Garabka dhalinyaradda ee KULMIYE oo isna ka hadlay waxa uu sidoo kale uga mahad celiyay dalladda SONYO iyo sida ay isku xilqaameen iyagoo kulamo hore ay la qaateen. Gudoomiyaha oo ka hadlaya waxa uu yidhi “walalayaal deeqaha ilaahay bixiyo swt kuwa ugu qaalisan iimaanka iyo islaamnimadaa ka ka mid ah waxa kale ee soo raacaa waa amniga oo ilaahay intaba ina siiyay sidaa darted waa in aynu amniga dhawrnaa” isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “waxaan balan qaadaynaa ka xisbi ahaan oo aan ku baaqaynaa guud ahaan bulshadda soomaaliland dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar gaar ahaan dhalinyaradda in aynu wado wanaagsan usii jeexno oo aan ilaashano dhanna uga soo wada jeedsanno nabadda iyo ammaanka”.

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee Xisbiga WADANI, Maxamed Saddiiq Dhamme oo goob joog ahaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii “nabdgelyaddu qaranku waa hantida ugu qaalisan ee umadda reer soomaaliland haysato ee soo jirtay intaa ay soomaaliland dhisnaydba waxa aanan xoojinaynaa mar walbana baal taaganahay in nabadagelyadda qaranka ay qiimo weyn ku taagan tahay umadan oo aanan cidna looga ogolaanayn in ay dibin daabyeeyaan” isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “saddexda xisbi qaran waa saddex xisbi oo ku aasaasan xeer qaran waana hanti ummaddeed waxay ku kala duwan yihiin saddexda calaamadood, saddexda musharax iyo saddexda magac”. “xisbi ahaan waxa aan ku dhiirgelinaynaa dhalinyaradda jamhuuriaydda somaaliland iyadoo aan xili xasaasi ah ku jirno oo doorashadda ay ka hadhay maalmo koobani in aan dhan uga soo wada jeedsano fal kasta oo khalkhal gelin kara nabadgelyadda qarankeena, abuuri karana xasilooni la’aan iyo iyo ummadda reer soomaaliland isku dhacaan” ayuu yidhi dhamme.

Dhinaca kale waxa iyana madasha shirka’jaraa’id ka hadashay Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah xubnaha golaha sare ee Dalladda SONYO waxaana hadaladeeda ka mid ahaa: “Waxaan u mahad naqayaa xubnaha madaxda dhallinyarada xisbiyada qaranka oo baaqii aan ugu yeedhnay naga ajiibay iyaga oo maalmo adag oo kaambayn siyaasadeed ah ku jira. Waxa loo baahan yahay in aan u midaysnaano sidaa aan u muujinay in waxa socda ee kaambayn siyaasadeed ah uu ka weyn yahay waxa innaga dhaxeeyaa. Saddexda masuul ee dhallinyarada ah ee Maxamed Mubaarak iyo Cabdi-najax waxa aannu ku garab taaganahay baaqaa ay ku sheegeen in midnimo iyo walaalnimo innaga dhaxayso iyo in dalkeennaa Somaliland wax walba ka weyn yahay. Farriinta aannu ka SONYO ahaan halkan dhallinyarada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan uga sheegaynaa waxa ay tahay in aynaan wax maalmo kooban soconaya u tuurin wax rasmi ah, raasamaalku waa Somaliland, waa dalkeena iyo midnimada dadkeena”.

Ugu dambayn waxa hadalka soo xidhay Guddoomiyaha dalladda heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax waxaanu yidhi: “Marka hore waxa aan Mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa Allaheena weyn ee Inna Abuuray SWT ee innagu galladay nimcada islaamnimada, marka xiga waxa aan u mahad naqayaa hogaanka dhallinyarada ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland. tani waxa ay muujinaysaa bisayl siyaasadeed oo guud ahaan dalkeenu gaadhay gaar ahaan dhallinyarada. Waxa aad ogtihiin farriintii Somaliland muujisay ee la xidhiidhay dooddii Murashaxiinta ee u dhacday si ilbaxnimo iyo karaamo ku jirto, caawana waxa ay halkan saddexda xisibi siyaasadeed ka marag-kaceen in aanay innaba raalli ka ahayn in uu dhaawac soo gaadho qaranimada somaliland. dhallinyarada saddexda xisbi kala taageerta waxaanu leenahay cidi idinkulama socoto in aad cid shiiddo, in aad ereyo nacayb iyo cunfi abuuraya nooca ay doonaanba ha ahaadaane aad faafiso. Inta aynu ku kala duwanahay ee aynu ku kala taageersanahay siyaasadda waxa ka badan inta inna midaynaysa ee aan ka midaysanahay. Farriinteennu waxa weeyi doorasho ku dhisan, kaambayn ku dhisan mustaqbalka Somaliland sida uu u ekaanayo” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.