HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee la xidhiidha xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Wasaarad ahaan in qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Covid_19.
Qofkan saddexaad ee Agaasimuhu sheegay inuu ka bogsaday xanuunka ayaa hoos u dhigaya Tirada Dadkii uu Xanuunku Somaliland ku soo ritay, waxayna hadda noqonaysaa in saddex Qof oo keliya uu hayo xanuunku.
![](https://i0.wp.com/www.warsoor.net/wp-content/uploads/2020/04/covid-19-1.jpg?resize=660%2C371&ssl=1)