Somaliland Tirada Dadka Qaba Covid-19 oo Kordhay iyo Kiisas cusub ee Maanta ku soo Biiray

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in 14 qof oo cusubi ay ku soo bireen tiradii hore ee xannuunka Covid-19, tiradda guudna ka dhigeysa 68 qof.

Dadkan maanta oo khamiis ah shaaca laga qaadey ee xanuunku ku dhacay 10 qof ka mid ahi waa rag, halka 4 qofna ee kalana ay yihiin dumar. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa 20-jir ilaa 80jir.

Dadkan maanta lag helay xanuunkan ayaa 12 ka mid ahi ay degen yihiin gobolka Maroodi Jeex, halka 2 qofna ay degen yihiin gobolka Saaxil.

Waxaa geeriyooday hal qof oo da’diisu tahay 80jir oo deganaa Hargeysa, taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay Somaliland (6). Waxa xanuunkan ka bogsaday 7 qof.