Somaliland: Qofkii 19-Aad Oo Covid_19 U Dhintay Iyo Dad Kale Oo Laga Helay

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa warbixinteedii maalinlaha ahayd ku shaacisay natiijadda ka soo baxday baadhitaankii la sameeyey 48 saacadood ee u dambeeyey.

#B) Magaalooyinka Xaaladaha Cusub.
———————————————————–
* Hargaysa (24 qof) Burco (5)

#T) Da’da Bukaanadan Cusub
——————————————

(20jir ilaa 29jir = 11 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(90jir ilaa 99jir = 1 qof)

#J) Nooca Jinsiga Xaalladaha Cusub.
——————————————————-
* Rag: (23 qof)
* Dumar (6 qof)

#X) Jinsiyada Dhalasho Wadan.
——————————————–
* (29 qof) Muwaadin ah.

#Kh) Faahfaahin Wadarta Guud Ee Xaaladaha.
——————————————————————
Wadarta Guud Ee Xanuunka Laga Helay: 286
Wadarta Guud Ee Xiligan Xunuunku Hayo: 234
Wadarta Guud Ee Xanunka Ka Bogsatay: 33
Wadarta Guud Ee Xanuunka U Dhimatay: 19

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in hal Qof oo dumar ahi ay Magaalada Hargeysa ugu Geeriyootay Xanuunka Covid_19, taasina ay tirada Dadka Xanuunka Somaliland ugu Geeriyooday ka dhigayso 19 qof. Gabadhan oo da’deedu ahayd 28 jir.