Somaliland oo Walaac Ka Muujisay War-saxaafeedyo ay Si Wadda Jira ah u Soo Saareen Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobey

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay War-saxaafadeedyo ay si wadda jir ah u soo saareen xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobey.

War-saxaafadeedyadda oo meel ka dhac ku ahaa qaramadda midoobey. Walaacan ayaa lagu muujiyey warsaxaadeed ay soo saartay wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:

“WAR-SAXAAFADEED

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay war-saxaafadeedyo xilliyo kala duwan ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), iyo daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya. War-saxaafadeedyada ku kala taariikhaysan 28 January 2020 iyo 25 February 2020 waxa laga ga hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxa lagu xusay wax loogu yeedhay ‘’Nidaamka Xulista Qoondada Kuraasta Somaliland’’.

Somaliland waxa ay hormuud u tahay dimuqraadiyadda Geeska Africa. Waxa marar badan Somaliland ka qabsoomay doorashooyin ay goobjoogayaal caalamka daafihiisa ka kala yimid ka markhaati kaceen in ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.  

Dawladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashoooyinka Soomaaliya uga digaysaa in ay ku xad gudbaan Madaxbannaanida iyo Qarannimadda Somaliland. War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland.

Ugu dambayn, Dawladda Soomaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsan tahay in isku-day kasta oo arrintan la xidhiidhaa ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.