Somaliland oo La Soo Gaadhsiiyey Mishiin Lagu Baadhaayo Caabuqa Covid-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cabdilaahi Cali oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay in dalka la keenay mishiinkii lagu baadhaayey xanuunka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in mishiinkani uu halkii marba lagu baadhi karo 40 qof taasi oo ka dhigan haddii lagu shaqeeyo 12 saacadood in lagu baadhi karo ilaa 500 oo qof.

Wasiirka Cumar Cabdilaahi ayaa warbaahinta kula taliyey inay ka qayb-qaataan wacyi-galinta xanuunka Coronavirus-ka.

Wasiirka ayaa sidoo kale dad weynaha kula taliyey inay ku dadaalaan inay qaataan talooyinka caafimaad ee ay siinayso bahda caafimaadku, maadama aanu xanuunkani lahayn wax daawo iyo talaal ahna midn. Balse waa in qofku uu rumaysto in ka hortagu yahay waxa kaliyga ee lagu badbaadi karo.