Somaliland oo ay soo Gaadheen Diyaaradaha Qumaatiga u Kaca oo Ka qayb qaadan Doona la Dagaalanka Ayaxa

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi , Maareeyaha Hay’adda Madaaradda dalka iyo Madaxa hay’adda FOA ee Somaliland ayaa gegida diyaaradaha ee Cigaal international Airport ku qaabilay Laba diyaaradood oo qayb ka noqon doona hawlgalka lagula dagaalamayo ayax ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland.

Labadan diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa imaatinkooda waxaa si wada jir ah isaga kaashaday Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Somaliland, Hay’adaha FOA iyo USIAD.

Maxamed Jaamac oo ah Madaxa hay’adda FOA ee Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Koron-korta ayaxa ee ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland uu sabab u noqonayo hoos u dhac ku yimaada wax soo saarka dalaga beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay dadaal badan gelisay sidii ay dalka u keeni lahayd diyaaradahan oo qayb weyn ka qaadanaya Gurmadka la dagaalanka ayaxa maadaama uu caqabad weyn ku yahay wax soo saarka beeraha iyo daaqa.

Wasiirku waxa uu Mahadnaq u diray Madaxweynaha JSL oo qayb weyn ka qaatay sidii ay diyaaradahani dalka u soo gaadhi lahaayeen waxaa kale oo Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeruhu u mahadnaqay hay’adda FOA iyo USIAD doorkii ay ku lahaayeen imaatinka diyaaradahan ee Somaliland.

Mudane Axmed Muumin Seed waxa uu intaas ku daray in Diyaaradahani ay wakhti dheer dalka ku sugnaan doonaan iyagoo isticimaalaya garoomada diyaaradaha ee Magaalooyinka Hargaysa, Boorama, Berbera iyo Burco.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay dhamaanba beeralaydu inay la shaqeeyaan diyaaradahan mudada ay hawl galka ku jiraan.