Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Dastuurka Oo Boorama Ka Daah’furay Barnaamijka Dasuurka Iyo Waddaniyadda

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa maanta ka daahfuray magaalada Boorama barnaamijka barashada dastuurka iyo waddaniyadda iyo xeerka goleyaasha deegaanka.

Waxaana munaasibaddaasi ugu horreyn ka hadlay isu duwaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Khayre Dhimbiil, waxaana uu tilmaamay in dastuurku uu waxtar weyn u leeyhay bulshada reer Somaliland oo u codeysay sannadkii 2001-dii, isagoo sheegay in barnaamijkani uu ka socon doonto gobolka Awdal muddo afar cisho ah.

Maayarka degmada Boorama Maxamed Axmed Warsame oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waddaniyadda iyo dastuurku uu faa’ido weyn u leehay guud ahaan shacabka kala duwan ee ku nool dalka, waxaana uu tilmaamay in arrin loo baahan yahay ay tahay in la dhiiri’geliyo barashada dastuurka iyo sharciga sidii ay umaddu ugu dhaqmi lahayd.

Badhosaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa ku ammaanay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka dedaalka ballaadhan ee ay gelisay gaadhsiinta barashada dastuurka iyo waddaniyadda degmooyinka iyo gobollada dalka. Waxaana uu ugu baaqay bulshada inay u dhego nuglaadaan ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka u degsan.

Gebo gebadii, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dasuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu dastuurku soo maray, waxaanu ku dardaaray ka faa’ideystayaasha barnaamijka barashada dastuurka iyo waddaniyadda iyo xeerka goleyaasha deegaanka inay bulshada kale ee ku dhaqan degmada Boorama ay sii gaadhsiiyaan casharada ku saabsan dastuurka iyo waddaniyadda ee ay faa’ideysteen.

Daahfurka barnaamikan ayay kasoo qayb galeen isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee gobolka Awdal, xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boorama iyo qaar ka mid ah dadweynaha degan xaafadaha kala duwan ee degmada Boorama.