Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Furey Shirkii 34-Aad Ee Ay Iskugu Yimaadaan Golaha Sare Ee Dallada SONYO

Hargeysa – (warsoor) – Kulankan oo ah kii 34aad ee ay isugu yimaadaan tan iyo intii dhidibada loo taagay dalladda dhalinyarada ee heer qaran ee SONYO, xubnaha golaha sare ee dalladdaasi ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Shirarka ee xarunta Daladda SONYO ee magaaladda hargeysa.

Kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Boos Mirre Maxamed, guddoomiyaha guud ee dalladdaasi, agaasimaha fulinta ee dalladda iyo sidoo kale agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Agaasimaha fulinta ee dalladda Sonyo Eng. Cumar Cismaan Miigane iyo agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, ayaa ka waramay ahmiyada ay dhalinyaradu u leedahay bulshada Somaliland iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarka dalka.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Dalladda Heer Qaran ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax oo isna halkaasi khudbad ku aadan maraaxilkii uu soo maray kal-fadhiyada kala duwan ee golaha sare ee dalladdani leedahay iyo sidoo kale kal-fadhigani waxa uu kaga duwanaan doono,  “Dalladda dhalinyarada heer qaran ee Somaliland waxa ku bahoobay ilaa 56 urur oo dhamaan degmooyinka iyo gobollada dalka ka kala socda.

Waxay ku aasaasan yihiin ogolaanshaha dastuurka Somaliland ee ah in bulshadu ay samaysan karto ururo iyo madalo ay isugu yimaadaan. Sidoo kale waa madal maandheytkeedu yahay isxilqaan iyo isdirid ama waxa la yidhaa (Voluntarism). Dalladda dhalinyarada ee isu timid 2003-dii waxay isugu yimaadeen oo ay ku bahoobeen sidii ay wax u qaban lahaayeen, isla markaasina ay wuxuun u tari lahaayeen dhalinyarada jamhuuriyadda Somaliland. Ayuu yidhi guddoomiyaha dalladda dhalinyarada heer ee Sonyo, waxaanu intaasi ku daray “intaas oo sano wasaaradda keliya ee aanu lasoo shaqeynaynay waa wasaaradda dhalinyarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.