Wafti uu Hogaaminaayey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Booqday Boorama

BOORAMA – (WARSOOR) – Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ah-na Musharaxa Jagadda Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Iyo Hogaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Isla-markaana ay wehelinayaan Masuuliyiin Sare oo Xisbiga ah, ayaa si diirran Waxa duleedka Magaaladda Boorama Ee Xaruunta Gobolka Awdal Ugu Soo Dhoweeyey Musharaxa Jagadda Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Ee Heer Gobol Iyo Jamaahiirta Taageerayaasha Gobolka Awdal Ee WADDANI.

Weftiga Uu Hogaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Maanta hawlo Shaqo u tagay Gobolka Awdal, Gaar Magaalo Madax-ddiisa Boorama. Iyadoo La Filayo Inuu Weftiga Guddoomiye Dr Cirro Muddadda Ay Joogaan Gobolka Inay kulanno Kala Duwan La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshadda Gobolka Awdal, Gaar Ahaan Dadweynaha Reer Boorama Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Awdal.