“Somaliland Waxay Samaysay Talaabo Aanay Gaadhin Dalalka Africa, Eeshiya, Yurub Iyo Ameerica” G. Maxkamada Sare Ee Somaliland Aadan Xaaji Cali

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ugu horayn shacbiga Somaliland ku hambalyeeyay guulaha iyo libinta ay ku tallaabsadeen muddada soddonka sanno ah ee qaranku jiray, isagoo hoosta ka xariiqay in ay Somaliland ku soo caanno maashay nabadda, wadajirka, isku tanaasulka iyo madaxdii hoggaanka qaranka u kala dambeeyay oo hab qori-isku-dhiib ah halka aynu maanta taaganahay inna soo gaadhsiiyay.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa xusay waxyaabaha ugu muhiimsan ee Somaliland ku guulaysatay soddonkaa sanno, waxaanu xusay in qaranku ku guulaystay xasilooni taam ah, isku duubni, maamul-wanaag iyo dimuqraadiyad ku dhisan nidaamka axsaabta badan, taasi oo qaranka ka bad-baadisay dhibaatooyinka ka taagan man-daqada Geeska Afrika oo ay halakeeyeen, collaado, dagaalo sokeeye iyo jahawareer siyaasadeed. Waxaanu is dul-taagay in ay Somaliland ku fara-adaygtay nabadda, xasiloonida iyo sharciga taasi oo u saamaxday in lagu soo hirto.

Guddoomiyaha oo ka warramaya ahmiyada ay Somaliland dunnida ugu fadhido ayaa yidhi

“Somaliland maanta caalamkaa u baahan! Waxay ka baran lahaayeen sida nabada loo sameeyo, waxay ka baran lahaayeen iyadoo dhaqaalohoodu yaryahay sida dawladnimada loo dhiso, waxay ka baran lahaayeen iyadoo aanay ku jirin ururada waaweyn sida dawladnimo loo wado, oo dhaqaale yar iyo isku-tashi lagu socodsiiyo. Taas oo dunnida maanta laga la’ayahay ayaa Somaliland laga baran lahaa. Waa hanti dunnidu wayday, wax Somaliland khasaartay maaha!”

Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu xusay in Somaliland xujo ku noqotay nidaamka dunnida loo dajiyay, dagaalkii labaad ee dunnida kadib. Iyadoo soddon sanno dawladnimo ku tallaabsatay iyadoo aan ku tiirsanayn nidaamkaasi, waxaanu yidhi

“Somaliland iyadoon 30 sanno ku jirin UN,  IMF iyo World Bank ayay dawladnimadoodii soddonkaa sanno socodsiiyeen. Dhaqaale yar oo isku tashi weheliyo ayay maskaxdooda ku dhaqaajiyeen. Markaa waa tusaale laga baran karo. Dal siduu u jiri karaa soddon sanno, oo nidaamkii caalamka ee aynu dajinay dibada uga joogi karaa! haddana soddon sanno dawladnimo u wadi karaan? Waa waxyaalaha ay xujadda ku noqotay Somaliland ee ay dunnida hor dhigtay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dawladdo waaweyn oo Afrika, Eeshiya, Yurub iyo Ameerikaba leh, oo soddonkaa sanno iyo in ka badanba ku jiray Ururada dunnida, la kabo miisaaniyad sannadeedkooda. Halka Somaliland iyadoon deymo ka qaadanayn Bangiga dunnida, kana mid ahayn kullamada waaweyn ee dunnida, ay soddonkaa sanno dawladnimo dhistay, iyadoo ku taalla gobolka geeska Afrika oo kamid ah goobaha ugu halista badan dunnida.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u bulshada Somaliland ku ammaanay horumarka ay gaadheen, waxaanu kula dardaarmay in waxqabadka iyo guullaha Somaliland ay dunnida u iib geeyaan ilaashadaanna horumarkaasi, sidoo kalena aanay ku mashquulin arrimaha yaryar ee innaga maqan.