Shirka Garsoorka oo lagu saxiixay Axdiga uu ku shaqeynayo Machadka tababarka garsoorka Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Shirka garsoorka dalka oo afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda hey’adaha garsoor dalka, waxaana looga dooday Axdiga lagu aas aasay isla markaana uu ku shaqeynayo Machadka tababarka garsoorka, manhajka garoorka iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaalada XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Masuuliyiin ka kala socday Hey’adaha Garsoorka dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhaxe iyo gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u saxiixay axdiga lagu aas aasay garsoorka dalka.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa tilmaamay in machadka uu door weyn ka qaadan doono dib u dhiska garsoorka iyo horumarintiisa.

Machadkaan ayaa ka shaqeyn doona bixinta tababarada garsoorayaasha, xeer ilaaliyayaasha, kaaliyayaasha heer Federaaliyo heer dowlad goboleed.