Shir Ay Iskugu Yimaadeen Dhamaan Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga Oo Ka Qabsoomay Xarrunta Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL

Hargaysa – (warsoor)-   Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL  Maxamed kaahin Axmed  ayaa maanta si  rasmiya u  furay  shirka  bahwadaagta ku midawday maamul wanaaga (Good Governance Sector) kaasi  oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Shirkan  oo ay kasoo qayb galeen  Wasaaradaha Arrimaha  Gudaha, Wasaarada Cadaalada , Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuur , Wasaarada Arrimaha Dibada , Ciidanka Boliska , Ciidanka Socdaalka ,  Dab-Damiska, Waxaaha ku  shaqada leh  maamul wanaaga ee wasaarada  Arrimaha Gudaha Iyo Dhamaan Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga (Good Governance Sector).

Dhanka Bulshada Caalamka (International Community) Waxa Matalaayay   Masuulka Ugu Sareeya  Safaarada Engiriis , Madaxa Haayada Danida  ,  Iyo Waliba UN SOM, UNDP, UN-HABITAT, EU REPRESENTATIVES, MAX PLANCK, German, Civil Sociaty Iyo Dhamaan Hay’adaha Dawlada Ee Ku Midoobay.

Hadaf Ka Ugu Wayn Ee Shirku Waxa Uu Ahaa In Laysku Xog Waraysto oo Laysla Gorfeeyo Lagana  Wada Tashado Sida Ugu Haboon Ee Ay Bahwadaagtu U Fulin Lahayd Qorshaha Horumarinta Qaranka Qaybta Labaad (National Development Plan II)  Iyo Doorka Ay Ka Qaadan Karaan Bulshada Caalamku Fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka  (National Development Plan).

Shirkan  oo  qaatay   saacado  kooban  ayaa  kusoo dhamaaday jawi  qurux badan waxaana la isla  qaatay   sidii loo hir galinlahaa  tayeynta iyo kor u qaadida  Maamul Wanaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.