QM oo baaq adag u dirtay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada

MUQDISHO – (WARSOOR) – Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysay oo taageertay shirkii Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho ay ku yeesheen Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday, Madaxda dowlad Goboledyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay iinay la socdaan shirarkaas, isla markaana ay rajeeynayaan in guul lagu gaaro.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil ayaa lag yiri” Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wada-hadallada ay noqdaan kuwo sii socda, waxaana ay ku booriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay heshiis ku gaaraan wadahadallada muhiimka ah.

Qoraalkan kasoo baxay baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli laba Maalin uu shir uga socday Teendhada Afisiyooni an wax horumar ah laga gaarin, isla markaana Golaha Ammanka ee QM ay hoggamiyeyaasha Soomaalida ugu hanjabeen cunaqabateyn hadii aysan heshiis gaarin.