Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya oo xadhiga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray xarunta degmada Xamar weyne oo ay ku dhextaalo Maxkamada Degmada, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Maamulka iyo qeybaha bulshada, isagoo intaa kadibna Guddoomiyuhu xariga ka jaray Xafiisyada Maxkamada Degmada Xamarweyne oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyey.

Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegey dib u dayactirkan in lagu wada sameynayo qaar ka mid ah Maxkamadaha degmooyinka si loo dardargaliyo howlaha Garsoorka iyo Cadaalada.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku bogaadiyey Maamulka degmada Xamarweyne isku xirnaantooda, waxa uuna sheegay qorshahan inuu yahay mid looga hirgalinayo garsoor cadaalad ah degmooyinka Gobalka Banaadir sidii dadka ku dhaqani u heli lahaayeen.

Intaa kadib ayuu booqdey Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka xarunta saldhiga Degmada Hodan oo ay ciidamada Booliska qeybta Waliyow Cade kusoo dhaweeyeen Guddoomiyaha, wuxuuna xariga ka jaray dhismaha Maxkamada Degmada.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.