Guddi Hoosaadka Deegaanka Iyo Kheyraadka Dabiiciga Ah Ee Golaha Wakiillada JSL Oo Warbixin Ka Horjeediyey Golaha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta warbixin ka horjeediyay mudanayaasha golahaasi.

Fadhigaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiillada Somaliland mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa mudanayaasha ka hor akhriyay xeerka sahaminta shidaalka iyo soo saaristiisa guddoomiyaha guddi hoosaadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo sheegay in ay wax-ka-badal iyo kaabis ku sameeyeen xeerka sahaminta shidaalka iyo soo saaristiisa.

Waxa kale oo uu xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) uu sheegay in xeerkaas ay ku sameeyeen wax ka badal iyo kaabis, iyaga oo la kaashaday aqoon yahanno aqoon u leh arrimaha shiidaalka iyo xeerarka, wuxuuna intaas ku daray in deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka lagu sameeyay sahamin shiidaal isla markaana ay baadhitaanadaasi sheegayaan in dalka uu shiidaal ku jiro, isaga oo mudanayaasha golaha wakiillada ka codsaday in ay ansixiyaan marka ay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyaan xeerka sahaminta shidaalka iyo soo saaristiisa.