Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Kulan Yeeshay

Muqdisho – (warsoor) – Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda ,Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta la kulmay Wakiilo ka socday Midowga Yurub.

Kulankan oo uu Guddoominayay Guddomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka JFS Mudane,  Mahad Cabdalla Cawad, ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha shacabka  iyo midowga Yurub gaar ahaan xoojinta shaqada guddiga Maaliyadda.

kulanka inta uu socday ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku aaddan howlaha Gudiga uu qabto iyo sidii midowga Yurub uu usii xoojin lahaa wada shaqeynta uu la leeyahay Golaha shacabka, maadaamaa uu Soomaaliya ka taageerto dhinacyo kala duwan.

Xildhibaan, Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, oo ah Guddoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in xubnahan ka socday Midowga Yurub ay ka wada hadleen in lasii dar dar geliyo wada shaqeynta Golaha Shacabka, gaar ahaan Gudiga maaliyada iyo midowga Yurub.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kormeeray Villa Hargeysa oo uu ka socdo dhismaha xarunta KMG ah oo ay ku shiri doonaan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo heer ga gaba ah maraya.

Waxaanay howl-wadeennada dhismaha wada uga warbixiyeen Guddoomiyaha halka ay wax marayaan , wuxuuna Guddoomiye , Mahad Cabdalla sheegay in dhismahan uu Golaha Shacabku ku shaqeyn doono kalfadhiga soo socdo si loo bilaabo dhismaha Aqalka Ummadda.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.