Askar kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka Geroge Floyd

SAINT PAUL – (WARSOOR) – Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehliyey askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd, oo ahaa nin kasoo jeeday bulshada madow ee Mareykanka.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sare u qaaday darajada eedda dilka loo haysto askariga la eedeeyey ee muuqaallo la baahiyey la arkay isaga oo luqunta jilibka kaga haya George Floyd oo dhulka yaalla, kaasi oo halkaas ku dhintay.

Eedda loo haysto askariga dilka ku eedeysan oo markii hore ahayd darajada saddexaad ee dilka, ayaa waxaa hadda lagu soo oogay dacwad ah darajada labaad ee dilka.

This combination of photos provided by the Hennepin County Sheriff’s Office in Minnesota on Wednesday, June 3, 2020, shows Derek Chauvin, from left, J. Alexander Kueng, Thomas Lane and Tou Thao. Chauvin is charged with second-degree murder of George Floyd, a black man who died after being restrained by him and the other Minneapolis police officers on May 25. Kueng, Lane and Thao have been charged with aiding and abetting Chauvin. (Hennepin County Sheriff’s Office via AP)