Hargeysa – (warsoor) – Oday 90 jir ah oo ku nool magaaladda Hargeysa ayaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ka bartay Idaacada Radio Hargeysa.
Odaygan 90 jirka ah ayaa maalin walba Muddo 30 daqiiqo ah ka dhagaysta Tafsiirka Qur’aan ee ka baxa Radio Hargeysa.
Sheekh Maxamed Dirir oo ah Muftiga Somaliland oo muddo ka badan 25 Sano dadka baraayey Tafsiirka Quraan ayaa ka hadlay Odaygan. Waxaanu sheegay inuu tusaale u yahay dad badan, sheekha ayaa da’a yarta kula taliyey inay ku daydaan ninkan Odayga ah.
Halkan ka daawo barnaamijkan oo aanu ka soo xiganay Talafishanka Goob Joog.