Silvia Romano oo shaacisay in ay qaadatay Islaamka, kana sheekeysay sida

Roma – (warsoor) – Silvia Romano, oo shalay dib ugu laabtay dalka Talyaaniga kadib 18 bilood oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab, ayaa shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay.

Silvia, oo ah gabar ka shaqeysa samafalka oo neovember 2018 laga soo afduubtay Kenya, ayaa Talyaaniga ka degtay ayada oo xiran xijaab iyo dirac Soomaali, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan inay islaamtay, waxayna xaqiijisay in sidaas ay dhacday.

Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu yimid bartamihii la haysashadeeda, islamarkaana uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo ana lagu qasbin.

“Waxaa la I weydiiyey inaan aqristo qur’aanka, kadibna waan ku qancay, anigaana doortay inaan qaato diinta Islaamka, oo ma ahayn mid la igu qasbay,” ayey tiri Silvia Romano oo ay soo xigteen warbaahinta Talyaaniga.Valueimpression Placeholder

“Bilihii la i haystay waxaan sidoo kale bartay qaar ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay i bareen kuwii I haystay, waxaana mar walba la isiin jiray kitaabka qur’aanka oo aan aqrisan jiray.”

Silvia waxay sidoo kale sheegtay inuusan jirin wax guur ama xiriir ah oo ay la sameysay kuwii haystay.

“Qaadashadeed diinta waxay ahayd mid ku timid si tartiib ah. Ma jirin wax guur ama xiriir ah oo aan la lahaa kuwii I haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayey tiri Silvia Romano.

Waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale loola dhaqmay si wanaagsan islamarkaana aysan ku xirneyn qool, balse loo ogolaa inay dhaq-dhaqaaqo ayada oo dusha sare lagala soconayo.

“Waxay ii xaqiijiyeen inaan la I dili dooni, balse meelo badan oo kala duwan oo weliba xaafado la degan yahay ayaa la ii wareejin jiray muddo kadibba,” ayey tiri.

Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.