Sideed Rikoodh Oo La Qoray, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool vs Chelsea

Liverpool iyo Chelsea ayaa isla degay maanta, waxaanay ku heshiiyeen in ay min hal dhibic qataan kulankoodii Anfield, taas oo ka dhigan in ay kusii negaanayaan badhtamaha miiska kala-sarraynta oo aanu midkoodna sare usookacaynin.

Kai Havertz ayaa laga diiday gool ay soo dhax-gashay VAR oo uu bilowgii ciyaarta dhaliyey, sidoo kalena Mykhailo Mudryk oo beddel kusoo galay ayaa sameeyey bandhig ka farxiyey Graham Potter isaga oo helay laba fursadoodood oo goolal noqon karayay.

Labada kooxood ayaa u muuqanayay in ay ku qanacsan yihiin in ay goolal la’aan ku kala tageen, inkasta oo Potter ay kooxdiisu ahayd  midda gacanta sarraysa ee u qalmaysay guusha.

Siddeed rikoodh oo la qoray

  • Liverpool iyo Chelsea ayay u ahayd ciyaartii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen, waana markii ugu horreysay ee ay sidan oo kale sameeyaan.
  • Liverpool ayay u ahayd markii ugu horreysay ee ay laba ciyaarood oo isku xiga goolal ka dhalin waayaan horyaalka Premier League tan iyo March 2021.
  • Chelsea ayay u ahayd ciyaartii lixaad ee Premier League ah ee aanay guuleysanin, waana markii ugu horreysay ee ay sidan oo kale kaga dhacdo tartankan tan iyo 2015.
  • Jurgen Klopp ayay u ahayd ciyaartiisii 1,000aad ee uu tababare yahay. 441 ka  mid ah ayuu aha tababaraha Liveprool, 319 uu joogay Borussia Dortmund iyo 270 uu ahaa macallinka Maiz.
  • Tan iyo xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Premier League, ma jiro tababare Graham Potter ka badan oo barbarro goolal la’aan ah galay, waxaana ay kooxihiisu awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan 16 ciyaarood. Laba-jibbaar ayuu ka badan yahay tababareyaasha kale ee waqtigiisa oo kale joogay horyaalka.
  • Tan iyo mrkii uu kulankiisii koowaad u saftay Liverpool, ma jiro ciyaartoy ka gool-toogasho badan Cody Gakpo, waxaana uu kubadda ku laaday goolka 12 jeer, mana jiro ciyaartoy la mid ah.
  • Stefan Bajcetic ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Liverpool ugu soo bilowda horyaalka Premier League tan iyo Ben Wood oo ahaa laacibkii kooxdan ugu yaraa ee ciyaar Premier League ah ugu soo bilowda. Waxa kale oo uu noqday ciyaartoygii labaad ee reer Spain ee ugu da’da yaraa ee ka ciyaara Premier League, waxaana kaliya ka horreeya Cesc Fabregas.
  • Cexar Azpilicueta ayay maanta u ahayd ciyaartiisii 500aad ee uu Chelsea u safto, waxaana uu sidaas ku noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee aan Ingiriiska u dhalan ee gaadha 500 ciyaarood.