Shirkii Wasiiradda Maaliyadda Maamul Goboleedyadda Soomaaliya oo Laga Hadlay Saameynta Covid19

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay Kulan Foogan Aran oo ay yeesheen wasiiradda maaliyadda ee maamul-goboleedyadda Soomaaliya, kulankaasi oo uu shir guddoominaayey Wasiirka Maaliyadda ee dawladda Federaalka ah Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle).

Shirka ayaa waxaa ajendihiisa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqaalaha iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus, guud ahaan Soomaaliya si uu saameynta ugu yeeshay ila dhaqaale ee dalka.

Labada dhinac ayaa kulanka dhex-maray oo ku qabsoomay aalada Fogaan araga ee ZOOM-ka waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta wasaasarada maaliyadda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Muhiimada shirkan ayaa aheyd horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida uu sheegay in wasiirka maaliyadda.

Bayle oo faah faahin ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegaya inay mar weliba ka go’an tahay inay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii Maaliyadda dalka, Waxa aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa Horumarinta Dhaqaalaha Dalka iyo wada shaqeynta. Mar waliba waxaa naga go’an in aan bulshada wadajir ugu adeegno” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Bayle.

Wasiirada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa inta badan yeesha kulamo gaar gaar ah oo looga hadlay iskaashiga labada dhinac iyo holwaha hor yaalla.