Shirkii Maaliyadda Soomaaliya oo Kismaayo lagu soo gaba-gabeeyay

Kismaayo.(SONNA);- Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiiradda maaliyadda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,waxaana gabagabada shirka Wasiiradu ay ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shirkan Wasiiradda Maaliyadda dalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu socday diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira maaliyadda dalka.

Shirkan ayaa daba socday shir lagu qabtay Bishii November 23-keeda magaalada Kampala ee dalka Uganda oo looga hadlayay kobcinta dakhliga iyo arrimo la xiriira deyn cafinta.

Hoos ka aqriso war saxaafadeedka Shirka:-

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.