Dahabshil Company Daarasalaam Bank
Published On: Thu, Oct 3rd, 2019

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagaga Dooday Miisaaniyadda 2020, E-government & Siyaasada Qaranak Shaqo-carbinta

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhigii 42-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ayaa golaha warbixin ka siiyey diyaarinta miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2020-ka, taasoo ay diyaarinteeda ku hawlantahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu, isagoo ku dheeraaday wasiirku miisaaniyadda iyo qaybeheeda, si waafi ahna u sharraxay ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka oo siyaasaddeedu ku salaysnaan doonto mashaariic horumarineed oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.

Wasaaradda horumarinta maaliyaddu iyadoo ka duulaysa oddoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka, waxay diiradda saaraysaa, soo ururinta dakhliga miisaaniyadda.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa golaha u qaybisay nuqullada siyaasadda qaran ee shaqo-carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaraddaasi, iyadoo wasiirku sharraxaad ka siisay golaha muhiimadda siyaasadani u leedahay shaqo-carbinta iyo sida loogu dabbaqi doono.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda boosaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa golaha u soo bandhigay nidaamka hirgelinta E-Government Somaliland, kaasoo goluhuna u ballamay in loo qabto kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu gorfeeyo.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>